Qaamuus: erayo Iswiidhish ah oo muhiim u ah imtixaanka
Halkan waxaad ka helaysaa sharaxaadda erayo Iswiidhish ah oo muhiim u ah imtixaanka. Baro macnaha erayada iyo sida af Iswiidhish loogu qoro.
- A-kassa
- Sanduuqa caymiska shaqo la'aanta. Wuxuu qiimeeyaa xaqa lacagta shaqo la'aanta, wuxuuna lacag siiyaa dadka shaqo la'aanta ah.
- advent
- Waqtiga ay ku jiraan afarta Axadood ee ka horreeya maalinta Kirismaska.
- afton
- Habeen. Magacyada munaasabado badan wuxuu uga jeedaa maalinta ka horraysa maalinta munaasabadda lafteeda.
- aga
- Ciqaab jireed, tusaale ahaan in ilmo la garaaco.
- algoritm
- Algoridam. Waa xeerar ku jira nidaam kombiyuutar oo, tusaale ahaan, doorta qoraallada aad arki doonto.
- allemansrätten
- Xaqa dadweynaha ee ku sugnaanshaha dhulka dabiiciga ah ee qof kale leeyahay, iyadoo ay waajib tahay in la dhowro dadka kale iyo deegaanka.
- allmän handling
- Dukumenti hay'ad dowladeed. Waa dukumenti ay hay'ad dowladeed hayso, oo loo soo diray ama halkaas lagu sameeyey.
- Allmän pension
- Hawlgabka guud. Waa hawlgab dowladda laga helo oo inta badan ku salaysan dakhliga qofka intii uu noolaa.
- Amortering
- Bixinta asalka amaahda. Waa lacag-bixin yaraysa deynta amaahda lafteeda.
- arbetarrörelsen
- Dhaqdhaqaaqa shaqaalaha. Wuxuu ka shaqaynayey nolol, shuruudo shaqo iyo xuquuq ka wanaagsan oo shaqaaluhu helaan.
- Arbetsgivarorganisation
- Ururka shaqo-bixiyayaasha. Wuxuu matalaa shaqo-bixiyayaasha, waxaana ka mid ah wadaxaajoodyada ay la yeeshaan ururka shaqaalaha.
- arbetskraftsinvandring
- Soo-galootinimo shaqo. Waa in dadku dal u soo guuraan si ay uga shaqeeyaan.
- Arbetsmarknad
- Suuqa shaqada. Waa halka ay ku kulmaan shaqo-bixiyayaasha u baahan shaqaale iyo dadka doonaya inay shaqeeyaan.
- Arbetsmiljö
- Deegaanka shaqada. Waa xaaladaha shaqada ee saameeya jirka iyo caafimaadka maskaxda ee dadka.
- ateism
- Ilaah-diidnimo. Waa inaan la rumaysnayn ilaahna.
- barnbidrag
- Lacagta carruurta. Waa taageero dhaqaale oo la siiyo qoysaska carruurta leh, mana ku xirna dakhliga waalidiinta.
- barnkonventionen
- Heshiiska xuquuqda carruurta ee Qaramada Midoobay. Wuxuu Iswiidhan sharci ahaan uga dhaqangalaa tan iyo 2020.
- beredskap
- Diyaargarow. Waa in loo diyaar yahay xasarado, dagaal iyo dhacdooyin kale oo adag.
- Betalningsanmärkning
- Diiwaanka lacag-bixin la'aanta. Waa xog shirkad qiimaysa awoodda deyn-bixinta ku hayso oo sheegaysa in qofku uusan si sax ah u bixin lacag laga rabay.
- biologisk mångfald
- Kala duwanaanshaha noolaha. Waa noocyada kala duwan ee xayawaanka, dhirta iyo noolaha kale.
- bistånd
- Gargaar. Waa taageero la siiyo dadka iyo bulshooyinka dalalka kale.
- bostadsbidrag
- Kaalmada guriga. Waa caawimo kharashka guriga ah oo la siiyo qoysaska carruurta leh iyo dhallinyaro qaarkood oo buuxiya shuruudaha.
- Bruttolön och nettolön
- Mushaharka guud waa mushaharka ka hor inta aan canshuurta laga jarin. Mushaharka saafiga ahi waa mushaharka canshuurta ka dib.
- budget
- Miisaaniyad. Waa qorshe dakhli iyo kharash.
- civilt försvar
- Difaaca rayidka. Waa hawlo lagu ilaalinayo dadweynaha laguna sii wadayo adeegyada iyo shaqada bulshada xilliga dagaalka.
- Deklaration
- Warbixinta canshuurta. Waa xog loo gudbiyo Skatteverket oo ku saabsan dakhliga iyo waxyaabo kale oo saameeya canshuurta.
- demokrati
- Dimuqraadiyad, oo ah xukunka dadweynaha: awooddu waa inay ka timaaddaa shacabka.
- demonstration
- Bannaanbax. Waa kulan dadku si fagaare ah ugu muujiyaan aragtidooda ku saabsan arrin.
- desinformation
- Xog been ah ama marin-habaabin ah oo loo faafiyo si dadka loo khiyaaneeyo.
- diskrimineringsgrund
- Sifo sharciga takoorku ilaaliyo, tusaale ahaan jinsiga ama da'da.
- DO
- Wakiilka ka hortagga takoorka. Waa hay'adda ka shaqaysa in sharciga takoorka la raaco.
- emigration
- U guurid dal kale. Waa in dadku ka guuraan dal si ay dal kale ugu noolaadaan.
- EU
- Midowga Yurub. Waa iskaashi ay Iswiidhan iyo dalal kale oo Yurub ahi si wadajir ah ugu gaaraan go'aanno qaarkood.
- Europakonventionen
- Heshiiska Yurub ee xuquuqda aadanaha. Waa heshiis Yurub ah oo sidoo kale Iswiidhan sharci ahaan uga dhaqangala.
- Europaparlamentet
- Baarlamaanka Yurub. Waa golaha dadweynuhu doorto ee Midowga Yurub, xubnihiisana waxaa la doortaa shantii sanoba mar.
- Fackförbund
- Urur shaqaale. Waa urur ka shaqeeya mushaharka iyo shuruudaha shaqada ee shaqaalaha.
- fackförening
- Urur shaqaale. Wuxuu shaqaalaha ku matalaa arrimo ay ka mid yihiin mushaharka iyo saacadaha shaqada.
- fasta
- Soon. Waa in muddo laga fogaado cunto ama nooc cunto ah.
- fika
- Nasasho cabitaan. Waa inaad nasato adigoo wax cabbaya, mararka qaarna wax cunaya.
- flyktinginvandring
- Soo-galootinimo qaxooti. Waa in dadku dal u yimaadaan si ay uga raadsadaan badbaado, tusaale ahaan dagaal ama cadaadis.
- FN
- Qaramada Midoobay. Waa urur ay dalalka dunidu ku wada shaqeeyaan.
- folkbokföring
- Diiwaangelinta dadweynaha. Waa diiwaanka bulshada ee xog ay ka mid tahay halka ay dadku deggan yihiin.
- folkhemmet
- Guriga dadweynaha. Waa fikrad siyaasadeed oo ku saabsan bulsho qof kasta ka tirsan yahay oo uu ammaan nololeed ka helo.
- folkomröstning
- Afti dadweyne. Waa codbixin ay codbixiyayaashu si toos ah uga codeeyaan arrin gaar ah.
- folkrörelse
- Dhaqdhaqaaq dadweyne. Waa dhaqdhaqaaq ay dad badan isku abaabulaan iyagoo wadaaga fikrado.
- fri rörlighet
- Dhaqdhaqaaq xor ah. Waa in dadka, alaabta, adeegyada iyo lacagtu u kala gudbi karaan dalalka Midowga Yurub iyadoo caqabaduhu yar yihiin.
- fristående skola
- Dugsi madaxbannaan. Waa dugsi uu maamulo cid aan ahayn dowladda dhexe ama degmada.
- fyraprocentsspärren
- Xadka boqolkiiba afar. Waa xeerka guud ee dhigaya in xisbi u baahan yahay ugu yaraan boqolkiiba afar codadka dalka oo dhan si uu kuraas uga helo baarlamaanka.
- försvarsallians
- Isbahaysi difaac. Waa iskaashi ay dalalku ku ballanqaadaan inay is caawiyaan marka weerar hubaysan dhaco.
- försörjningsstöd
- Kaalmada nolosha. Waa caawimo dhaqaale oo degmada laga helo marka fursadaha kale ee lagu bixin karo kharashaadka lagama maarmaanka ahi aysan ku filnayn.
- förtidsröstning
- Codbixinta hore. Waa inaad codkaaga dhiibato ka hor maalinta doorashada.
- förtroendevald
- Wakiil la doortay. Waa qof loo doortay inuu dad kale matalo oo go'aanno gaaro.
- förundersökning
- Baaritaan hordhac ah. Waa baaritaan lagu sameeyo dembi laga shakisan yahay.
- förvaltningsdomstol
- Maxkamadda maamulka. Waa maxkamad qaadda khilaafyo badan oo u dhexeeya dadka iyo hay'adaha dowladda.
- föräldraledighet
- Fasaxa waalidka. Waa fasax shaqada laga qaato si ilmo loo daryeelo.
- föräldrapenning
- Lacagta waalidka. Waa lacag waalidku heli karo marka uu guriga joogo si uu ilmihiisa u daryeelo.
- geografi
- Juqraafi. Waa aqoonta ku saabsan qaabka dhulka iyo sida dadku ugu nool yihiin meelo kala duwan.
- globalisering
- Caalamiyeynta. Waa in dalalka iyo dadku si sii kordhaysa isugu xirmaan, tusaale ahaan ganacsiga iyo xogta.
- grundlag
- Sharciga dastuurka. Waa mid ka mid ah sharciyada ugu muhiimsan dalka, sharciyada kalena ma ka hor iman karaan.
- hbtqi
- Magac wadajir ah oo loo adeegsado dadka uu soo jiito qof ay isku jinsi yihiin, kuwa ay soo jiitaan labada jinsi, dadka aqoonsigooda jinsi ka duwan yahay kii loo diiwaangeliyey markay dhasheen, dadka leh hab-muuqaal ama aqoonsi queer ah iyo dadka leh sifooyin jinsi oo lab iyo dheddig isugu jira.
- helgdag
- Maalin fasax rasmi ah. Waa maalin gaar ah oo sharcigu u aqoonsan yahay maalin fasax ah.
- humanitärt bistånd
- Gargaar bani'aadannimo. Waa caawimo la siiyo dad ku jira xaalad degdeg ah oo daran, tusaale ahaan xilliga dagaalka.
- högkostnadsskydd
- Ilaalinta kharashaadka badan. Waa xeerar xaddida kharashaadkaaga booqashooyinka caafimaadka qaarkood ama daawooyinka muddo go'an gudaheed.
- högtid
- Munaasabad la xuso. Waa waqti ama maalin gaar ah oo dadku u dabbaaldegaan ama xusaan.
- ideologi
- Mabda' siyaasadeed. Waa fikrado aasaasi ah oo ku saabsan sida ay bulshadu u shaqayn lahayd.
- industrialisering
- Warshadaynta. Waa isbeddel ay mashiinnada iyo warshaduhu muhiimad weyn ugu yeeshaan wax-soo-saarka iyo shaqada.
- JO
- Wakiillada kormeerka ee baarlamaanka, kuwaas oo hubiya in hay'adaha dowladda iyo shaqaalahoodu raacaan xeerarka.
- jämställdhet
- Sinnaanta haweenka iyo ragga. Waa in haweenka iyo raggu yeeshaan xuquuq, waajibaad iyo fursado isku mid ah.
- katolicism
- Kaatooligga. Waa farac Masiixi ah oo baadariga weyn ee Rooma uu yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya kaniisadda.
- klimat
- Cimilo. Waa sida jawiga meel gaar ah caadi ahaan yahay muddo dheer.
- Kollektivavtal
- Heshiis wadareed. Waa heshiis qoran oo ku saabsan shuruudaha shaqada, una dhexeeya ururka shaqaalaha iyo shaqo-bixiye ama urur shaqo-bixiyayaal.
- kommun
- Degmo. Waa aag deegaan oo leh siyaasiyiin la doortay, kana masuul ah adeegyo ay ka mid yihiin dugsiyada iyo daryeelka dadka waayeelka ah.
- kommunalskatt
- Canshuurta degmada. Waa canshuur laga qaado dakhliga oo loo qaybiyo degmada iyo maamul goboleedka.
- kommunfullmäktige
- Golaha degmada. Waa golaha ugu sarreeya ee go'aannada degmada gaara, waxaana doorta codbixiyayaasha.
- konstitutionell monarki
- Boqortooyo dastuuri ah. Waa nidaam dowladeed oo boqor ama boqorad uu yahay madaxa qaranka, sharciyada dastuurkuna ay go'aamiyaan sida dalka loo maamulayo.
- konvention
- Heshiis u dhexeeya dalal.
- korruption
- Musuqmaasuq. Waa in qofku xilkiisa si xun ugu adeegsado danihiisa ama danaha qof kale.
- Kreditupplysning
- Warbixinta awoodda deyn-bixinta. Waa xog dhaqaale oo loo adeegsado in lagu qiimeeyo awoodda qofku wax ku bixin karo.
- Kriminalvården
- Hay'adda xabsiyada iyo dhaqan-celinta. Waxay masuul ka tahay xabsiyada, xarumaha dadka lagu hayo inta dacwaddu socoto iyo kormeerka dembiilayaasha bulshada dhexdeeda.
- kräftskiva
- Xaflad lagu cuno aargoosatada biyaha macaan, badanaa dhammaadka xagaaga.
- källkritik
- Hubinta ilaha xogta. Waa baaridda halka ay xogtu ka timid iyo in lagu kalsoonaan karo.
- källskydd
- Ilaalinta isha xogta. Waxay ka dhigan tahay, waxyaabo kale ka sokow, in warbaahintu caadi ahaan aysan shaacin qof xog siiyey oo doonaya in aan la aqoonsan.
- könsidentitet
- Aqoonsiga jinsiga. Waa sida qofku isagu u dareemayo jinsigiisa.
- landsdel
- Qayb weyn oo dalka ah marka juqraafi ahaan loo eego: Götaland, Svealand ama Norrland.
- landskap
- Gobol taariikhi ah oo magac u gaar ah leh, tusaale ahaan Skåne ama Dalarna.
- LAS
- Sharciga ilaalinta shaqaalaynta. Wuxuu leeyahay xeerar ku saabsan shaqaalaynta iyo sida loo joojin karo.
- likhet inför lagen
- Sinnaanta sharciga hortiisa. Waa in sharciyo isku mid ahi qof kasta khuseeyaan, kiisaska isku midka ahna si isku mid ah loo maareeyo.
- livsåskådning
- Aragtida nolosha. Waa hab looga fikiro nolosha iyo waxa muhiimka ah, diin ha ku salaysnaado ama yaanu ku salaysnaan.
- luciatåg
- Koox wada socota oo heeso gaar ah ku heesta munaasabadda Lucia.
- luthersk kristendom
- Masiixiyadda Luuteriga. Waa farac Masiixi ah oo ku salaysan waxbaristii Martin Luther.
- län
- Gobol maamul. Waa mid ka mid ah 21 gobol ee Iswiidhan ee dowladda dhexe ay ka fuliso shaqadeeda heer gobol.
- majoritet
- Aqlabiyad. Caadi ahaan waa in ka badan kala bar koox ama codadka la dhiibtay.
- maktdelning
- Awood-qaybsiga. Waa in awoodda loo qaybiyo hay'ado kala duwan oo leh hawlo kala duwan.
- mandat
- Kursi wakiilnimo, tusaale ahaan kursi baarlamaanka ka mid ah.
- medborgarförslag
- Soo jeedin muwaadin. Waa soo jeedin qof deegaanka deggan u gudbiyo golaha degmada ama golaha maamul goboleedka.
- meddelarfrihet
- Xorriyadda gudbinta xogta. Waa xaqa ballaaran ee xog lagu siin karo warbaahinta dastuurku ilaaliyo si ay u daabacdo.
- meddelarskydd
- Ilaalinta xog-gudbiyaha. Waa xeerar ilaaliya qofka xog siiya warbaahinta isagoo adeegsanaya xorriyadda gudbinta xogta.
- militär alliansfrihet
- Ka-madax-bannaanida isbahaysiyada milatari. Waa in dal uusan ka tirsanayn isbahaysiyada difaaca milatari.
- miljökvalitetsmål
- Yoolka tayada deegaanka. Waa yool sharxaya sida xaaladda deegaanku u baahan tahay inay noqoto, tusaale ahaan in hawadu nadiif tahay.
- ministerstyre
- Amar toos ah oo wasiir ku xukumo hay'ad. Waa marka wasiir keligiis uu amar khasab ah siiyo hay'ad dowladeed, taas oo Iswiidhan ka mamnuuc ah.
- minoritet
- Tiro yar. Waa qaybta yar ee koox, tusaale ahaan kuwa hela codad ka yar kuwa kale.
- misstroendeförklaring
- Kalsooni kala noqosho. Waa go'aan rasmi ah oo baarlamaanku ku sheegayo inuusan kalsooni ku qabin ra'iisul wasaaraha ama wasiir kale.
- moms
- Canshuurta qiimaha lagu daro. Waa canshuur caadi ahaan ku jirta qiimaha alaabta iyo adeegyada.
- myndighet
- Hay'ad dowladeed. Waa urur dadweyne oo hawlo ku fuliya sharciyada iyo xeerarka kale.
- Myndigheten för civilt försvar
- Hay'adda difaaca rayidka. Waa hay'ad Iswiidhish ah oo ka shaqaysa diyaargarowga bulshada iyo difaaca rayidka.
- målsägande
- Dhibbanaha dembiga. Waa qofka uu ku dhacay dembiga la baarayo ama maxkamaddu qaadayso.
- mångreligiöst land
- Dal diimo badan leh. Waa dal ay ka jiraan dhowr diimood.
- mänskliga rättigheter
- Xuquuqda aadanaha. Waa xuquuqaha aasaasiga ah ee qof kasta leeyahay.
- mönstring
- Baaritaanka xulashada ciidanka. Waa tijaabooyin iyo wareysiyo lagu qiimeeyo dadka qaadanaya tababarka milatari.
- nationaldag
- Maalinta qaranka. Waa maalin gaar ah oo dal loo dabbaaldego, maalinta qaranka Iswiidhanna waa 6 juni.
- nationell minoritet
- Dad laga tirada badan yahay oo qaran ahaan la aqoonsan yahay. Waa koox muddo dheer dalka ku noolayd oo afkeeda iyo dhaqankeeda si gaar ah loo ilaaliyo.
- Nato
- Isbahaysi difaac oo ka dhexeeya dalal ku yaal Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.
- naturresurs
- Khayraad dabiici ah. Waa wax dabiicadda ku jira oo dadku adeegsan karaan, sida kaynta ama macdanta birta.
- neutralitet
- Dhexdhexaadnimo. Waa in dowlad aysan dagaal uga qaybgelin dhinac ka mid ah dhinacyada dagaallamaya.
- Nordiska rådet
- Golaha Waqooyiga Yurub. Waa iskaashi u dhexeeya baarlamaannada dalalka Waqooyiga Yurub.
- nykterhetsrörelsen
- Dhaqdhaqaaqa ka fogaanshaha khamriga. Wuxuu ka shaqaynayey yaraynta waxyeellada khamriga.
- nämndeman
- Garsoore dadweyne. Waa qof la doortay oo ka qaybqaata go'aaminta xukunka, isaga oo aan u shaqayn garsoore xirfadle ah.
- offentlig försvarare
- Qareen difaac oo maxkamaddu magacowdo si uu u caawiyo qof laga shakisan yahay.
- offentlighetsprincipen
- Mabda'a furnaanta hay'adaha dadweynaha. Wuxuu dadka siinayaa fursad ay ku ogaadaan shaqada hay'adaha dadweynaha, waxaana ka mid ah xaqa akhrinta dukumentiyada dadweynaha u furan.
- opartiskhet
- Dhexdhexaadnimo. Waa inaan dhinacna loo janjeerin marka arrin lagu muransan yahay.
- ortodox kristendom
- Masiixiyadda Ortodokska. Waa farac Masiixi ah oo leh dhowr kaniisadood iyo dhaqamo Masiixi ah oo soo jireen ah.
- oskuldspresumtionen
- Mabda'a ah in qofka dembi laga shakisan yahay loo arko inuusan dembi lahayn ilaa dembigiisa la caddeeyo.
- parlamentarism
- Nidaamka baarlamaaniga ah. Waa in xukuumaddu haysataa taageerada baarlamaanka ama ugu yaraan baarlamaanku aqbalo.
- passfrihet
- Safar baasaboor la'aan ah. Waa in la isaga safri karo dalal qaarkood baasaboor la'aan, inkastoo dukumentiyo aqoonsi oo kale loo baahan karo.
- patientavgift
- Lacagta bukaanka. Waa qaybta kharashka aad adigu ka bixiso booqashada daryeelka caafimaadka.
- personval
- Doorashada musharrax gaar ah. Waa inaad calaamadiso musharrax ku qoran warqadda codbixinta xisbiga.
- public service
- Warbaahinta adeegga dadweynaha. Waa raadiyo iyo telefishin u adeega dadweynaha, Iswiidhanna waa SVT, SR iyo UR.
- påverkanskampanj
- Olole saamayn. Waa hawlo badan oo la qorsheeyey si loo saameeyo fikradaha ama habdhaqanka dadka.
- ramadan
- Ramadaan. Waa bisha ay Muslimiintu soomaan, waxayna ku dhammaataa Ciidul Fidriga.
- reformationen
- Dib-u-habayntii kaniisadaha. Waa isbeddelkii kaniisadaha Masiixiga ku dhacay sannadihii 1500-meeyadii, markii Kaniisadda Iswiidhan ay noqotay Luuteri.
- regeringen
- Xukuumadda. Waa ra'iisul wasaaraha iyo wasiirrada kale ee si wadajir ah dalka u maamula.
- regeringsform
- Sharciga qaabka dowladnimada. Waa sharci dastuur ah oo leh xeerarka sida dalka loo maamulayo.
- region
- Maamul goboleed ay siyaasiyiin hoggaamiyaan, kana masuul ah adeegyo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka.
- regionfullmäktige
- Golaha maamul goboleedka. Waa golaha ugu sarreeya ee go'aannada maamul goboleedka gaara, waxaana doorta codbixiyayaasha.
- religionsfrihet
- Xorriyadda diinta. Waa xaqa qofku u leeyahay inuu diin yeesho, beddesho oo ku dhaqmo ama uusan rumaysnayn.
- representativ demokrati
- Dimuqraadiyad wakiillo leh. Waa nidaam shacabku ku doorto dad go'aanno siyaasadeed u gaara.
- riksdagen
- Baarlamaanka Iswiidhan. Wuxuu ansixiyaa sharciyada, wuxuuna kormeeraa xukuumadda.
- Ränta
- Dulsaar. Waa kharashka amaahashada lacagta, ama lacag aad ku heli karto lacag aad akoon ku kaydsatay.
- rättsstat
- Dowlad sharcigu sareeyo. Waa bulsho qof kasta, xitaa dadka awoodda haya, ay waajib ku tahay inuu sharciga raaco.
- rättssäkerhet
- Dammaanadda caddaaladda sharciga. Waa ilaalinta dadka laga ilaaliyo go'aannada aan caddaaladda ahayn iyo kuwa khaldan ee nidaamka garsoorka.
- röstkort
- Kaarka codbixiyaha. Wuxuu kuu sheegayaa doorashooyinka aad ka codayn karto iyo goobta codbixinta ee laguu qoondeeyey.
- rösträtt
- Xaqa codbixinta. Waa xaqa aad u leedahay inaad doorasho cod ka dhiibato.
- Sápmi
- Dhulka dhaqameed ee dadka Saamiga, oo ku fidsan qaybo ka mid ah Noorweey, Iswiidhan, Finland iyo Ruushka.
- sekretess
- Sir-ilaalin. Waa xeerar sharci ah oo xog gaar ah ka ilaaliya in la bixiyo.
- sekulär stat
- Dowlad cilmaani ah. Waa dowlad aysan maamulin diin ama hoggaamiyeyaal diimeed.
- semla
- Badanaa waa rooti macaan oo sarreen ah oo leh heyl, cajiin yicib ah iyo kareem la garaacay.
- sexuell läggning
- Janjeerka galmada. Wuxuu ku saabsan yahay jinsiga dadka uu qofku jeclaado ama soo jiita.
- sjukpenning
- Lacagta xanuunka. Waa lacag ka timaadda Försäkringskassan oo beddeli karta dakhliga marka xanuun kaa hor istaago inaad shaqayso.
- skadestånd
- Magdhow. Waa lacag qof laga rabo inuu ka bixiyo waxyeello uu sababay.
- skolplikt
- Waajibka dugsi-dhigashada. Waa waajibka carruurta saaran ee ka qaybgalka waxbarashada dugsiga.
- socialförsäkringar
- Caymisyada bulshada. Waa nidaamyo ku siin kara ammaan dhaqaale, tusaale ahaan marka aad ilmo dhasho ama xanuunsato.
- socialtjänst
- Adeegga arrimaha bulshada. Waa hawsha degmada ee taageerta dadka xaalad adag ku jira.
- statlig inkomstskatt
- Canshuurta dakhliga ee dowladda dhexe. Waa canshuur dowladda dhexe laga siiyo qaybta dakhliga ee ka badan xad go'an.
- statschef
- Madaxa qaranka, oo ah wakiilka ugu sarreeya dalka. Iswiidhan boqorka ayaa ah madaxa qaranka, mana laha awood siyaasadeed.
- statskyrka
- Kaniisadda dowladda. Waa kaniisad xiriir rasmi ah la leh dowladda.
- statsminister
- Ra'iisul wasaare. Waa madaxa xukuumadda, wuxuuna sidoo kale magacaabaa wasiirrada kale.
- statsråd
- Wasiir. Waa xubin ka tirsan xukuumadda.
- straffmyndig
- Gaaray da'da mas'uuliyadda dembiga. Waa da'da qof lagu xukumi karo ciqaab; Iswiidhan xeerka guud waa laga bilaabo 15 sano.
- talman
- Guddoomiyaha baarlamaanka. Wuxuu hoggaamiyaa shaqada baarlamaanka, wuxuuna soo jeediyaa qofka noqonaya ra'iisul wasaare.
- Tjänstepension
- Hawlgabka shaqada. Waa hawlgab uu shaqo-bixiyuhu lacag u bixiyo.
- totalförsvar
- Difaaca guud. Waa difaaca milatari iyo difaaca rayidka ee Iswiidhan oo wadajira.
- tradition
- Dhaqan soo jireen ah. Waa wax dadku caado u leeyihiin inay sameeyaan oo ay dadka kale u sii gudbiyaan.
- tredje statsmakten
- Awoodda saddexaad ee dowladda. Waa oraah tilmaamaysa doorka warbaahinta ee kormeerka dadka awoodda haya.
- trossamfund
- Urur diimeed. Waa bulsho abaabulan oo ay ku midoobaan dad leh caqiido diimeed.
- tryckfrihet
- Xorriyadda daabacaadda. Waa xaqa lagu soo saaro qoraallo daabacan, sida buugaag iyo wargeysyo, iyadoo la raacayo xadka sharciga.
- urfolk
- Dad asal ahaan dhul u leh. Waa dad xiriir taariikhi ah la leh dhul laga soo bilaabo ka hor intii aysan samaysmin dowladaha iyo xuduudaha maanta jira.
- valhemlighet
- Sirta codbixinta. Waa xaqa aad u leedahay inaad qariso sida aad u codaysay.
- valkrets
- Deegaan-doorasho. Waa aag juqraafi ah oo loo adeegsado doorashooyinka.
- valsedel
- Warqadda codbixinta. Waa warqadda aad adeegsanayso si aad codkaaga u dhiibato.
- vattenkraft
- Tamarta biyaha. Waa koronto laga soo saaro biyo qulqulaya.
- våldsbejakande extremism
- Xagjirnimo taageerta rabshadaha. Waa taageeridda, ku baaqidda ama adeegsiga rabshad si loo gaaro ujeeddooyin siyaasadeed ama diimeed.
- väckelserörelsen
- Dhaqdhaqaaq diimeed Masiixi ah oo xoogga saaray iimaanka qofka iyo xorriyad dheeraad ah oo laga helo Kaniisadda Iswiidhan.
- välfärd
- Daryeelka bulshada. Waa adeegyada caafimaadka, waxbarashada, daryeelka iyo taageerada dhaqaale ee bulshada.
- värnplikt
- Waajibka adeegga ciidanka. Waa waajibka muwaadiniinta Iswiidhishka ah ee la xusho saaran inay tababar qaataan oo ka shaqeeyaan difaaca milatari.
- växthusgas
- Gaas aqalka dhirta lagu koriyo. Waa gaas sababa in kulayl badan ku haro hawada ku wareegsan dhulka.
- yttrandefrihet
- Xorriyadda hadalka. Waa xaqa qofku u leeyahay inuu cabbiro fikirkiisa, aragtidiisa iyo dareenkiisa.
- åklagare
- Xeer-ilaaliye. Waa sharci-yaqaan hoggaamin kara baaritaannada dembiyada oo dacwad dembiyeed maxkamadda u gudbin kara.
- åtal
- Dacwad dembiyeed. Waa codsi xeer-ilaaliyuhu u gudbiyo maxkamadda si ay u eegto in qof dembi galay iyo in kale.
- överklaga
- Racfaan qaadasho. Waa in maxkamad sare ama hay'ad kale oo ka sarraysa laga codsado inay beddesho go'aan.